Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaqaalaha rayidka mushaharaadka u kordhisay

Recommended Posts

Deeq A.   
20220214_232413.jpg?resize=720%2C405&ssl

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa sheegtay in markii ugu horreysay 23 sano kadib ay dowladdu kordhisay mushaharaadka shaqaalaha rayidka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaraddu waxay ugu hambalyeynaysaa shaqaala-waynaha kororka mushaharaadka shaqaalaha rayid ee dowladda Puntland ay ku samaysay”.

“Dalacsiinta mushaharaadka ayaa bilaabatay sanadkan cusub ee bisha January 2022, iyadoo qof walbana uu helay mushahaarkii uu xaqa u lahaa. Waa markii ugu horreysay 23 sano kadib oo ay dowladdu sameyso mushahaar kordhin” ayaa lagu daray qoraalka.

Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ma aysan sheegin inta uu yahay kororka mushahaadka ay dowladdu samaysay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaqaalaha rayidka mushaharaadka u kordhisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this