Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab Oo Xukun Rajmi Ah Ku Fulisay Haweeney Ay Ku Eedeeyeen Gogol Dhaaf

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Alshabaab ayaa xukun rajmi ah (Dhagax ku dil) ku fuliyay haweenay ay ku eedeeyeen inay ku kacday fal Sino ah, iyadoo hore guur usoo martay.

Alshabaab ayaa xukunkan ku fuliyay goob fagaare ah oo ku taalla deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan, halkaas oo boqolaal qof ay iska xaadiriyeen, si ay u daawadaan xukunka halkaas lagu fulinayay.

Maxkamadda Alshabaab ee gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Gurmad Faarax Arfax ay fal Sina ah ku dhacday iyadoo hore guur usoo martay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale 100 karbayaash ku fulisay Khadar Faarax Cabdi oo la sheegay inuu falkaas Sinaada kula kacay haweenayda la rajmiyay, iyadoo maxkamaddu tilmaamay in aanu isagu hore wax guur ah usoo marin.

Alshabab ayaa ku xukuntay Khadar Faarax Cabdi in muddo sannad ah laga musaafuriyo tuulada Booco.

Ururka Alshabaab ayaa marar badan sidaas oo kale xukunno dhagax ku dil ah ka fulisay deegaannada ay maamusho ee Soomaaliya.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this