Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goor dhawayd loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo aanu gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaadhaya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Guusha Cabdiraxmaan ayaa dhabar jab ku ah Villa Soomaaliya oo isku deyda inay kursigan ka  reebto, maadaama uu ka mid yahay xubnaha ay sida aadka isugu hayaan Farmaajo.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this