Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha HAWIYE oo fariin xasaasi ah u dirtay beesha Isaaq iyo Somaliland + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyey inuu ku kacay arrin aan waafaqsaneyn dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka, kadib markii uu maamulku “afduubay heshiis ay gaareen laba beelood oo ka soo kala jeeda Habargidir iyo Isaaq.”

Odayaal uu hoggaaminayo guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo fariin u diray maamulka Somaliland iyo beesha Isaaq.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in nin ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir uu dil toogasho ah ugu xiran yahay magaalada Hargeysa, balse markii ay labada beelood ka wada xaajoodeen magta nin horay loo dilay oo loo heysto ninkaas ay Somaliland soo faro-gelisay kiiska.

Waxuu sheegay in cadeymo buuxa aan loo heyn dilka loo heysto ninka Saruur ee Hargeysa ku xiran, balse cidii uu ka dhashay ay aqbashay inay bixiso diyada ninkii dhintay oo sida uu sheegay ka badan intii dhaqanka Soomaalida lagu kala qaadan jiray.

Hase yeeshee iyadoo wax kasta ay gabagabo yihiin ayuu Nabadoon Xaad sheegay in arrinta uu soo faro-geliyey maamulka Somaliland oo hadda ku adkeysanaya in la toogto ninkaas.

Ninka la dilay ee Somaliland ay dooneyso in loo toogto ninkaas ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir, halka ninka dhintay uu ka dhashay beesha Ciida-Gale ee West Burco Clan – Isaaq, “Jufada uu ninkaas ka dhintay ee Isaaq waxay adkeeyeen wax kasta oo dhaqan lagu xali jiray, hadana qolada uu ninka xiran ka dhashay waxay aqbaleen wax kasta oo la hor dhigay, si ninkaas uu xornimo u helo, balse waxaa arrinta soo faro-gelisay Somaliland oo tiri ninkaas waa la tooganaa, taasna nama qabato,” ayuu yiri Xaad.

Waxa uu sheegay in mudo dheer laga wada hadlaayey gorgortanka diyada ninkii la dilay, balse aan marna la soo hadal qaadin in la dilo ninkaas, balse maamulka Somaliland uu ugu dambeyntii afduubay heshiisyadii socday, isla markaana uu ku adkeystay in la tooganayo ninkaas.

Nabadoon Xaad iyo odayaasha kale ee Mogadishu Clan ayaa maamulka Somaliland iyo beesha uu ka dhashay ninka dhintay waxay ka codsadeen in la dhowro dhaqanka Soomaalida, isagoo cadeeyey in xal kasta oo aan dil aheyn ay diyaar u yihiin.

Hoos ka daawo Nabadoonka

The post Beesha Mogadishu Clan oo fariin xasaasi ah u dirtay beesha Isaaq iyo Somaliland + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this