Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kulane Jiis iyo xildhibaano kale oo lagu doortay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashooda ay tahay dowlad goboleedka Galmudug.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah kursiga HOP#040, waxaana ku guuleystay, Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaano Kulane Jiis, kadib markii uu u tanaasulay msuharrax Xasan Cabdi Jaamac oo u ahaa malxiis, maadaama isaga loo xiray kursiga.

Kulane Jiis oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 101 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guusha Cabdullaahi Kulane oo ku xiran Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa guul weyn u ah kooxda Villa Soomaaliya oo dadaaal xoogan gelisay kursigan oo markii horeba ahaa qoondo haween, balse hadda loo beddalay, rag, si loogu soo saaro Kulane Jiis oo kusoo baxay.

Sidoo kale kursiga HOP#007 waxaa kusoo baxay Farah Cabdi Diini oo ah guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Diini ayaa kusoo baxay codad dhan 76 cod, kadib markii uu u tanaasulay musharax Mohamed Cabdi Cali oo kula tartami lahaa kursigaaso.

Doorashada labadaan kursi waxaa kasii horreeyey kursi HOP#138, waxaana loo doortay siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kana mid ah mucaaradka.

Si kastaba, tallaabada ay Galmudug qaaday ee ku aadan doorashada Golaha Shacabka ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

274030174_328595139197022_22712746332052 273626193_328594849197051_34434427860205273618145_328571382532731_54336173320106 273778474_328571005866102_50273981187476 273627968_328531515870051_15810533864939

The post Sawirro: Kulane Jiis iyo xildhibaano kale oo lagu doortay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this