Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee ayay qabteen dadkii xiisaynayay Furashada Ururradu ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xagee ayay qabteen dadkii xiisaynayay Furashada Ururradu ?

 

Asalaamu Calaykum
Dad badan oo Urur furasho u xiiso qabay waxay dib u fadhiisteen, oo ay candhuuftooda dib u liqeen, ka dib markii ay Maxkamadu tidhi toos ayaa loogu tartamayaa Ururrada bilaa gole deegaan. Waagii hore tartanka Ururrada waxaa ku lamaanaa xulashada Xubnaha Golayaasha Deegaanka ee Gobolada iyo degmooyinka.
Taasina waxay culays weyn ka furan jirtay Ururrada maadaama Xildhibaanada golayaasha u tartamayaa ay Ololaha ka qayb qaadan jireen si loo doorto, iyaga oo qabiilkooda iyo dhaqaalahooda sita aadna u dedaalaya.
Imika arrintu sidii hore maaha, mana jiraan xubno golayaal deegaan oo la dooranayo, sidaas darteed imika qofkii Urur doonaya inuu furto isaga leee … Kharash iyo Culaysba isagaa la dabaalanaya !
Waxaabad moodaa in ay arrintani tahay mid aan cidina ku talo gelin oo Alle keen ah, oo ay Dalka maslaxadiisu ay ku jirto, oo yaraynaysa in boqolaal urur la furo, maadaama uu go’aanka Maxkamadu sababayo inay yaraadaan siyaasi xambaari kara furista Urur cusub dhaqaale ahaan iyo hawl ahaanba.
Inkasta oo aan weli la gaadhin xiligii saadaal cad laga bixin lahaa sida ay wax noqon karaan oo aan la gaadhin xiligii rasmiga ahaa ee tartanka Ururrada uu sharcigu u cayimay. Hadana waxaa hubaal ah in dad badan oo markii hore u arkayay inay fudud dahay in Urur la furtaa ay imika dib u fadhiisteen oo durba ay yaraatay Xamaasadii iyo Xiisihii loo qabay Urur la furto wixii ka danbeeyay go’aankii Maxkamada sare ay ku laashay isku sidkanaanshihii Ururrada iyo Golayaasha deegaanka.
Kaysar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this