Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muudey oo ka hadlay xayiraaddii lagu sameeyey, shaaciyey cidda ka dambeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maanta goor sii horeysay laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho, ayaa la hadlay warbaahinta.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka dambeeyay tallaabadii looga hor istaagay in uu tago magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

“Safar ayaa ahaa maanta waxaa u socday Baraawe, oo u aadayay kursigii yaalay oo u tartamo, waxaa diyaaradii lagu amray inaysan i qaadi karin. Waxaa lagu yiri ninkaas lama keeni karo, oo asaga ayaa la ogoleyn,” ayuu yiri.

“Markaa weydiiyay qoladii shirkada diyaaradaha waxay yiraahdeen amar ayaa nala soo siiyay oo qolada maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar nasoo siiyay, qolada Aviation-ka Baraawe waxay ku dhaheen haddii amar la’aan soo qaadan diyaarada waa soo ridayna ayey dhaheen, waa arrin yaab leh.”

Waxa uu intaas kusii daray in sababta u weyn ee looga hor istaagay in uu tago Baraawe ay tahay inuusan u tartamin kursiga uu fadhiyo hadda ee sumadiisu tahay HOP#145.

Muudey ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qof gaar ah loo wado kursigaas, isaga oo ka gaabsaday in uu si toos ah u weeraro La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo sida la fahamsan yahay ka dambeeyay tallaabada lagu celiyay maanta.

“Waxaa u sheegaya Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka intaba in uu maanta xad-gudubkaas igu dhacay, sababta loo diidan yahay in aan meesha tago waa in aan u tartamo kursiga, waxa iska leh kursigaas qabiil ee qof iskama laha, markaa in la yiraahdo adiga ma tartami kartid arinta isaga ah waa la ogyahay dadka ka dambeeya, la iskagama hari doonana.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uusan marnaba aheyn nin loo hanjabi karo, uuan ka hadheyn xuquuqdiisa, islamarkaana waxa dhacay maanta la iskula xisaabtami doono.

Kursiga laga hor istaagay Muudey in uu utartamo ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Hoos ka daawo Muudey

The post Daawo: Muudey oo ka hadlay xayiraaddii lagu sameeyey, shaaciyey cidda ka dambeysay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this