Sign in to follow this  
Deeq A.

Telefishan Laga Leeyahay Taiwan Oo Wasiir Sacad Waydiiyay Su’aal Ahayd Somaliland Miyay Xidhiidhka U Jari Doonta Taiwan Haddii China Maal-gashado?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Taiwan)-Wasiirka Maalliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maal gashan karo, laakiin ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samaysato cidda ay rabto.

Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews, oo waraysi gaar ah ka qaaday wasiir Shire, ayaa waydiiy waxa ay Somaliland samayn lahayd haddii uu China Somaliland maalgashado, lakiin uu ku xidho in ay xidhiidhka u jarto Taiwan.

Wasiir Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maalgashan karo, laakiin ay iyadu leedahay go’aanka cida ay rabto in ay xidhiidh la samaysato.

“Somaliland way u furan tahay cidkasta oo maalgashanaysa oo uu China ku jiro, laakiinse marka ay noqoto go’aamada yada iyo siyaasada yada cida aanu doonayno in aanu xidhiidh la yeelano, waxan filayaa in ay tahay xuquuq gaar ah oo aanu leenahay” ayuu yidhi wasiir Shire.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore dowlada China uga diiday in ay xidhiidhka Taiwan dhaafsato maalgashi uu China ku sameeyo Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this