Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur magaciisu yahay sinaan iyo cadaalad

Recommended Posts

Deeq A.   

URUR MAGACIISU YAHAY SINAAN IYO CADDAALAD
Ururkaan cid gooni u leh oo sheegan kartaa ma jirto. Ururku magaciisa ku meel gaadhka ahi wa sidda kor ku
xussan.
Ururka sidda loo dhisayo waa sidda hoos ku xussan;
1. Lixda gobol oo ka kooban tahay Somaliland aya shirar logu qabanaya
2. Gobal kasto shirkiisa isaga aya u madax banana.
3. Shirarka waxa ka soo bixi doona guddi ka kooban 15 ergo
4. Erga kasta waxay lahaan doonta Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen, Afhayeen
5. Gudi kasta waxay ka koobnaan doonta 9 rag ah iyo 6 hablo ah gobol kasto
6. Tirada guddiyada 6 gobaol ragu waa 54 (60%), hablahuna wa 36 (40%)
7. Tirada guud ee 6 gobol wa 90 (15 x 6)
Marka gudiyadaasi ay soo dhamaadaan, waxa loo qori tuuraya 6 gobaol meeshii shirweeynaha lagu qaban
lahaa oo shirka lagu daah furidoono.
1. Shiraka waxa lagu dooran doonaa laba guddoomiye mid matalaya gobolada bariga iyo mid
matalaya gobolada galbeedka. Labada gudoomiye ayaa wadda jir u hagi doona shirka
2. Shirka marka layksu af garto in urur la samaysto urur, oo kadib hafti laysku raaco
3. Waxa la dooranayaa magac cusub, ama magaca kur ku xusan hadii laysku raaco
4. Waxa la dooranaya guddoomiha, gudoomiye ku xigeen, ama gudoomiye ku xigeeno, iyo
madaxda kale ee ururka.
Ururkaan maxuu kaga duwanyahay ururada kale oo horay u jiray, ama kuwa hadda cusub oo lagu
dhaaaqay?
1. Gudoomiyah, guddomiye ku xigeenka ururkaan iyo madaxda kale waxa ay yihii maamulaka
ururka markuu xisbiga noqdo jagada madaxwenanimad iyo madaweeyne ku xigeen midna kama
qaybgalaya oo maamulka ururka (xisbiga) ayay ku eg yihiin
2. Madaxda ururka (xisbiga) waxay dhex u yihii dhamaan shaqsiyaadka ururka membrka ka ah
Sidee lagu dooranaya musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenka xisbiga?
1. Qofkastoo xisbiga ka mid ah waxuu xaq u leeyahay inuu xilka uu doono isku sharikaro
2. Qofka isku sharaxay madaweeynanimada xisbiga wax soo dooranay shcabka ku nool 6 gobol oo
xisbiga memberka ah oo dhan.
3. Qofka ugu cod bata 6 gobol aya noqon doona musharaxa madaxweenaha xisbiga
4. Qofka kaalinta labaad galena waxuu noqon doona musharaxa madaxweeyne ku xigeen ka
xisbiga.
5. Doorashada musharixiinata waxa xisbiga u maamuli doon guddi doorasho oo 6 gobol ka kooban.
Maxuu ururkan haduu noqdo xisbi kaga duwanaanaya kuwii hore?
1. Ururkan haduu xisbi noqdo waxxuu u mada banaanaya inuu masharaxiitiisa uu isgu soo maga
cowdo oo musharax beeleed lagama sharaxi doono
2. Si loo dhiiri galiyo hablaha 40% musharixiita xisbiga ee barlaamaaka wax musharax u noqon
doona hablaha Somaliland.
3. Xisbigu waxuu musharaxiin tiisa ka mid noqondoon cid kastoo ann xaqooda iyo xubinimaddoa ka
muuqan saaxada siyaasadda iyo maaamulka xisbigaba
Xisbigo hadii u ku guulaysto madaxnimada dalka maxa laga filaya?
1. Cadaala iyo Sinaan oo ah magaca ku meel gaarka ah
2. Furista konistituushanka sidii lagula hishiiyay Allaha u naxariistee Prof. Cali Khalii Galaydh.
3. Furista konistituushanka si loogu qoraya dhamaan hishiisyadii lagu hishiiyey dib u la soo
noqoshadii madax banaanida Somaliland
4. Furista konistituushaka si loogu xuso dhamaan wixii ka maqan hishiiskii Burco lagu wadda
qaatay.
Xisbigaan hadii u fursad u helo in uu noqdo xisbul xaakin waxaan marna la ogolanay oo aan dhacyn
in:
1. Madax iyo maamul dhan ka raran la sameeyo
2. Wasiiro aan shaqadii loo igmada aan qaban oo caytama ama madaxweeynaha afhayeen u ah ka
3. Madaxdhaqmeed dowlada afhayeen u ha ama u jaaba ciddii hadasha
4. Madax amd wasiiro mawaadin loo xiro
5. Cid xuquuda mawaadin ku xadgudbi karta
6. Bila warrant cid biliisku soo qaban karto
7. cid laga soo qafaasho Deegan kiis oo jeel aan ahayn deegankiisa lagu xukumo
8. Cid ganacsato ah oo ganacsi loo xirayo – suuqu wa xor
9. Madaxweyne, madaxweeyne ku xigeen, barasaab, maayir dan guud bixin kara ma
10. Dan guud wa danguud dadka aya wada leh.
11. Cid kastoo mashruuc loo soo dhiibay oo mujtamaca diintooda iyo dhaqanka suuban ka
horyimaad.
12. Diin ann ahay islaam ama mabaadii dal shisheeye laga soo waarido oo lid ku ah diinteena iyo
dhaqanka suuban ka horyimaad talaabo ayaa laga qaadayaa.
13. Musuq maasuga la caadaystay iyo ku takri falka wax qaranka wada leedahay sharciga ayaa lala
tiiksan doonaa qofka aad doonto ahaw.
14. Xisbigu maxuu konistituushaka ku dari doon doorashooyin kasto in waqtigooda lagu qaban
doono oo maxkamad iyo guurti badali karta aan jirid donin.
16 Guurtida sharci ay Madaxweyne, Baarlamaanka, ama Guurti mudo kordhin ugu darto ma
jiridoonto.
17 Xisbigu waxuu samaynaya komishan doorasho qaran oo maamula doorashooyinka dalka oo
dhan oo laga soo xulo 6 gobol oo joogta ah
18 Mashaaricda hormareed oo horay loo fuliyey dib u eegis aya lagu samayn doona gobolada aan
mashaariicda helin xaqood aya heli doonan si cadaala iyo sinaan loo helo
19 Ugu danbayn 30 sano dalka qaladaad badan aya dadku tirsanayan sida owgeed guddi aya loo
sari doona si arimahaas xal looga gaaro sinaan iyo cadaaladna loo helo madaam dalka lawada
leeyahay.
20 Wixi laga badalo, ama lagu soo kordhiyo arrimaha kor ku xusan xagga dambe ayaan ka soo
sheegi doonaa.

Qora: Prof. Ahmed Yassin

Ururkaan dhalinyarad dalka oo dhan aya wada leh aniguna ra’yiga ayaan u soo jeediyey
madaxnimo kama rabo xisbiga manna lihi ee dhaliyarooy isku taga urur loo simanyahay
samaysta cidii 6 gobol laga doonayan doorta, sanada kastana cidii doonaysa ha tartanto,
qabyaalada iy nin jeclaysina halka haku hadho…ninkii Somaaliland oo dhan doonayso doorta.
Aniguna wa idin garab is tagnahay wana idiin ducaynaya xuquuqda hablihiinana ogaada.,

Qora: Prof. Ahmed Yassin
London, Ontario, Canada
Email. AhmedYassin7986@yahoo.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this