Deeq A. Posted February 13, 2022 Gaadiidleyda Mooto Bajaaj-ta ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Garowe ayaa muddo saddex beri ah shaqo joojin sameeyay. Shaqo joojinta oo saameyn weyn ku yeelatay bulshada danyarta ah ee isticmaala Bajaaj-ta ayaa timid, kadib markii maamulka degmada Garowe uu ka mamnuucay gaadiidka Bajaaj-ta wadada halbowlaha ah ee dhexmarta magaalada. Gaadiidleyda Bajaaj-ta ayaa maanta ka hadlay cabashadooda, waxayna qaarkood sheegeen in ciidamada dowladdu ay u geystaan tacadiyo ay ka mid yihiin jir-dil. Gaadiidleyda Baajaaj-ta ayaa horay uga cabanayay cashuur lagu kordhiyay, lacago ganaax ah oo Dowladda Hoose ka qaado iyo qiimaha shidaalka oo kor u kacay. Hoos ka daawo go’aanka Dowladda Hoose. PUNTLAND POST The post Garowe: Gaadiidleyda Bajaaj-ta oo shaqo joojin sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites