Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Gaadiidleyda Bajaaj-ta oo shaqo joojin sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaadiidleyda Mooto Bajaaj-ta ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Garowe ayaa muddo saddex beri ah shaqo joojin sameeyay.

Shaqo joojinta oo saameyn weyn ku yeelatay bulshada danyarta ah ee isticmaala Bajaaj-ta ayaa timid, kadib markii maamulka degmada Garowe uu ka mamnuucay gaadiidka Bajaaj-ta wadada halbowlaha ah ee dhexmarta magaalada.

Gaadiidleyda Bajaaj-ta ayaa maanta ka hadlay cabashadooda, waxayna qaarkood sheegeen in ciidamada dowladdu ay u geystaan tacadiyo ay ka mid yihiin jir-dil.

Gaadiidleyda Baajaaj-ta ayaa horay uga cabanayay cashuur lagu kordhiyay, lacago ganaax ah oo Dowladda Hoose ka qaado iyo qiimaha shidaalka oo kor u kacay.

Hoos ka daawo go’aanka Dowladda Hoose.

PUNTLAND POST

The post Garowe: Gaadiidleyda Bajaaj-ta oo shaqo joojin sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this