Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle oo shaacisay kuraas lagu doonayo Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyay liiska kuraasta ugu horreeysa ee lag dooranayo magaalada Beledweyne.

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle ayaa lagu soo bandhigay liiska 13 kursi oo lagu dooranayo Beledweyne.

Kuraasta lasii daayay ayaa waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheikh Cabduqaadir haddana uu doonayo Fahad Yaasiin.

Hirshabeelle ayaa noqotay markii labaad ee bilaabay deegaan doorashada labaad iyadoo horay Koonfur Galbeed u dhaqan-gelisay arrintaas.

1-2.jpg?resize=764%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Hirshabeelle oo shaacisay kuraas lagu doonayo Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this