Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu soo laabto caasimadda Garoowe, kadib safar uu muddooyinkii dambe ugu maqnaa dalka Kenya.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, halkaas oo uu ka waday kulamo hoose oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Imaatinkiisa kadib ayaa la filayaa in ay sii socoto doorashadii xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland, taas oo hakad gelay tan iyo markii madaxweynuhu u safray dalka Kenya.

Sida wararku sheegayaan, Puntland ayaa bilaabaysa degaan doorashada labaad ee magaalada Boosaaso, iyadoo aan weli la dhammaystirin kuraasta taalla Garoowe oo  lix kursi ka hartay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this