Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul goboleedkii 2aad oo shaaciyey kuraasta deegaan doorashada labaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamul goboleedkii labaad ee ku dhowaaqa kuraasta deegaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashooyinka dalka ee horay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu magaaladaasi tegay madaxweyne Cali Guudlaawe oo is-afgarad la gaaray reer Hiiraan oo tabasho xoogan ka qabay maamulkiisa.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey oo la qaban doono maalmaha soo socda ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#003, Hop#006, Hop#008, Hop#015, Hop#022, Hop#031, Hop#032, Hop#068, Hop#074, Hop#086, Hop#109, Hop#252 iyo Hop#274.

Yaa ku fadhiyey 13-kan kursi?

1-Hop#003 waxaa ku fadhiyey Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

2-Hop#006 waxaa ku fadhiyey Maxamuud Cabdullaahi Axmed.

3-Hop#008 waxaa ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi.

4-Hop#015 waxaa ku fadhisay Xiis Xasan Aadan.

5-Hop#022 waxaa ku fadhiyey Cusmaan Maxamed Cabdi.

6-Hop#031 waxaa ku fadhiyeyYuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid ).

7: Hop#032 waxaa ku fadhiyey Khaliif Cabdi Cumar.

8-Hop#068 waxaa ku fadhisay Faadumo Faarax Ibraahim.

9-Hop#074 waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Colaad Rooble.

10-Hop#086 waxaa ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

11-Hop#109 waxaa ku fadhiyey Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.

12-Hop#252 waxaa ku fadhiyey Cabdicasiis Saalax Armaan.

13-Hop#274 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

273763828_417029823553327_44309242988997

The post Maamul goboleedkii 2aad oo shaaciyey kuraasta deegaan doorashada labaad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this