Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo soo saaray liiska musharaxiin cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo saaray liiska musharixiinta u tartamaya kursiga u dambeeya doorashada golaha Aqalka Sare ee BFS.

Kursigaan oo horay loo doortay waxaa 18-kii bishii November iska casilay Senator Yuusuf Dhegey oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciima Yuusuf Maxamed ayaa lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiska Qoor Qoor inay ku tartami doonaan kuriga Aqalka Sare ee beesha Duduble, Farxaan waa wasiirka Maaliyadda Galmudug, waxana la sheegay in Qoor Qoor uu asaga la rabo kursigaas.

12-kii bishii Agoosto 2021 ayaa Yuusuf Geelle Ugaas (Yuusuf Dhegey) loo doortay kursigaan, balse 18-kii November ayuu iska casilay.

Yuusuf Dhegey ayaa xilligaas shaaciyey in sababta uu isku casilay ay tahay in cidiisa uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta, balse mar kale ayuu soo qaatay kursiga isla beesha ee golaha shacabka.

Waa kursigii u dambeeyey ee doorashada golaha Aqalka Sare ee dalka, waxaana horay loo doortay dhamaan kuraasta kale ee Aqalka Sare, dhawaan waxaa lagu wadaa in guddiga doorashada Galmudug uu soo saaro jadwalka doorashada kursigaas.

031808cc-36c8-43c9-8fb3-d4bd20c1409a.jpg

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo soo saaray liiska musharaxiin cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this