Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble iyo safiirka Mareykanka oo kulmay kadib xayiraaddii lasoo rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaararaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André.

Rooble iyo Larry Larry André ayaa ka wada hadlay doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda ka dib ka dhacday, wuxuuna Rooble la wadaagay safiirka Mareykanka in howsha doorashada ay ku socoto si wanaagsan isla markasna lagu soo gabagabeen doono waqtigeeda.

Sidoo kale Rooble iyo André ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo sidoo kalena isku soo hadal qaaday sidii ay dowladda Mareykanka gacan uga geysan laheyd abaaraha baahsan ee ka jiro Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u ballan qaaday inuu kala shaqeyn doono dhameystirka Doorashada iyo sugidda Amniga.

Kulankan ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken uu Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan lagu beegsaday siyaasaddan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu xayiraado la beegsan doono madaxda Soomaaliya haddii aan doorashada lagu dhameyn kahor 25-ka Febraayo, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo rogo kuwa cusub.
Larry-Andre%CC%81-Rooble.jpeg?resize=696 273768874_293251296237357_17555996499227 273816271_293251219570698_30631355795320 273934660_293251229570697_62481559052170 Larry-Andre%CC%81.jpeg?resize=696%2C464& 273411499_293251169570703_89030978201150

The post Sawirro: Rooble iyo safiirka Mareykanka oo kulmay kadib xayiraaddii lasoo rogay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this