Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo kooxdiisa oo xeelad cusub u dagay sidii ay kursiga u dhaafin lahaayeen CC Shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Laba cisho kadib markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame toos ugu dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga xildhibaaimo ee Beeshiisa, madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay iyadana toos u bilowday duulaankeeda kursiga HOPP#138.

Wixii Arbacadii hore ka horreeyey dad badan u kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa u heystay doonista Cabdiraxmaan mid war suuqeed ah, balse Arbacadii ayuu tagay Dhuusamareeb markaas oo uu toos u shaaciyey musharaxnimadiisa Kursiga HOPP#138, wixii markaas ka dambeeyeyna waxaa la xaqiijiyey inay madaxtooyada u xirxiratay sidii Cabdiraxmaan lagu dhaafin lahaa kursiga.

Xalay kursiga doorashada ee heer federaal ayaa soo saaray warqad ay toos ugu abaareen kuraasta HOPP#138 iyo HOPP#71 oo ay sheegeen in loo baahan yahay in Labadaas Kursi laga dhigo kooto Dumar.

Guddigii doorashada waa ay isku khilaafeen warqaddaas oo la sheegay in y ka shaqeeyeen koox guddiga kamid ah oo weli gacan saar la leh Villa Somalia.

Xubno guddiga kamid ah oo aan la hadalnay waxay sheegen in lagu heshiiyey in warqadda la badalo oo hab qoraalka laga dhigo mid guud oo la hadlayo Beesha Dhexe ee kuraastaas iska leh.

Mar kale warqad ay shalay galab sii daayeen guddiga doorashada ee heer Federaal ayey ku sheegeen in la rabo in beesha heysato hoggaanka maamulka Galmudug inay saxdo qoondada haweenka ee ah in qoladii 3 kursi heysataba inay 1 kursi Gabar ka dhigaan, weliba warqadda guddiga waxaa lagu yiri lama aqoonsan doono doorashadaas lamana siin doono shahaada xildhibaanada illaa ay Galmudug kasoo saxeyso qoondada Dumarka.

Guddiga si loo fahmo ujeedkooda iyo Kuraasta ay u socdaan waxay Qoor Qoor iyo guddiga doorashada Galmudug waydiisteen in kuraasta hadda jadwaleysan ee Beeshaas in la caddeeyo kuwa ay dumarka gooni ugu tartami karaan.

Kuraasta hadda jadwaleysan oo ay beeshaasi leedahay kuwaas oo uu guddiga rabo in Laba kamid ah laga dhigo Dumar waa Kursiga HOPP#138 , kursiga HOPP#147 iyo HOPP#71.

Kuraastaas mid waxaa ku fadhiya Xildhibaan Mahad Salaad, mid waxaa ku fadhiya xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, midna waxaa u tartamaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Guddiga doorashada ee heer Federaal gabadha madaxda uga ah xaqiijinta kootada Dumarka dalka waa ka maqan tahay. Xubin kamid ah guddiga doorashada ee heer Federaal oo aan la hadalnay wuxuu noo xaqiijiyey in arrintaani ay gacan weyn ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya oo weli xubno badan ku leh guddiga dhexdiisa.

“Qofka loo socda waa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la rabo in Kursigiisa Dumar laga dhigo ama inuu noqdo kursi dacwo ku furan tahay oo illaa doorashada la is daba socdo,” ayuu yiri xubintaas.

“In guddigii doorashada ee heer Federaal uu beegsi sameeyo oo la isticmaalo waa fadeexad weyn oo doorashada Soomaaliya dhex taalo,” ayey leeyihii dadweynuhu.

“Waxaa ka dhallan karta arrintaan in qof kasta oo Villa Somalia rabin in loo adeesado inay kursigiisa ku dhagaan, guddiga doorashada haddii ay ujeedo sax ah xambaarsan yihiin waxay aheyd inay arrintaan ka hadlaan inta aan la jadwaleyn Kuraasta, maadaama xilligaasi lasoo saaro nooca uu kursiga noqonayo rag iyo dumar,” ayey leeyihiin Dadkii ka falceliyey isku daygaan.

The post Farmaajo iyo kooxdiisa oo xeelad cusub u dagay sidii ay kursiga u dhaafin lahaayeen CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this