Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiga keliya ee Saaxada ka saari kara M/weynaha Turkiga Erdogan Doorashada soo socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga keliya ee Saaxada ka saari kara M/weynaha Turkiga Erdogan Doorashada soo socota

Maayarka magaalada Istanbul, Ekrem İmamoğlu,
Maayarka magaalada Istanbul, Ekrem İmamoğlu,

Maayarka magaalada Istanbul, Ekrem İmamoğlu, ayaa noqday nin si weyn looga bartay Turkiga, dadka qaarna ay ku tilmaameen qofka saaxadda ka saari kara Madaxweyne Erdoğan doorashada soo socota.

Ninkan oo ka hor 2019 aan si weyn looga aqoon Turkiga ayaa doorashadii dhacday sanadkaas waxa uu mayarnimada Istanbul uga guulaystay musharraxii xisbiga talada haya ka socday. İmamoğlu ayaa ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP.

Erdoğan oo qudhiisa mar ahaa mayarka Istanbul ayaa lagu eedeeyay inuu walaac xooggan ka qabo Ekrem İmamoğlu, isla markaana uu boqolaal ka tirsan shaqaalaha magaaladaas uu amray in baaritaan lagu sameeyo iyagoo loo haysto inay xiriir la leeyihiin argagixisada.

Erdoğan iyo İmamoğlu ayaa qoys ahaan waxa ay labaduba ka soo jeedaan xeebta badda madow.

Ekrem oo 51 jir ah ayaa bartay culuunta maareynta ganacsiga, waxaana intii muddo ah uu hormuud u ahaa shirkad dhismaha ah oo uu leeyahay qoyskiisa. Sanadkii 2008 ayuu ku biiray xisbiga CHP isagoo xoogga saaray doorashada maxalliga ah.

Wargeyska Der Spiegel ee ka soo baxa Jarmalka ayaa İmamoğlu weydiiyay waxa ay la tahay in Erdoğan uu uga walaacsan yahay, waxaana uu ku jawaabay:

“Waxa uu ii arkaa in aan ka xaday Istanbul oo uu u haysto inay tahay hanti uu leeyahay. Magaaladan waqti badan ayaa ka lumay intii uu ka talinayay xisbiga AKP. Waxaan filayaa in hadda uu [Erdoğan] la dhacsan yahay hawsha wanaagsan ee aan ka qabtay Istanbul.”

Madaxweyne Erdoğan
Madaxweyne Erdoğan

Inkastoo aanu İmamoğlu shaacin inuu yahay musharrax Erdoğan kula tartami doona doorashada lagu wado inay Turkiga ka dhacdo sanadka soo socda, ayaa haddana waxaa la saadaalinayaa inuu haysto fursad wanaagsan.

Dadka dooddaas qaba ayaa tilmaanaya in Madaxweyne Erdoğan iyo xisbigiisa AKP ay taageero badan ku lumiyeen dhaqaalo xumada haraysay dalkaas, gaar ahaan sicir bararka faraha ka sii baxaya.

Dadka ka faallooda arrimaha Turkiga ayaa ku doodaya in aan hadda la saadaalin karin doorashada 2023 ka dhici doonta Turkiga, oo la filayo inay noqoto tii ugu adkeyd ee uu wajaho xisbiga talada haya ee AKP.

Sida ay mucaaradka ugu midoobaan tartanka ka dhanka ah Erdoğan ayay wax badan ku xirnaan doonaan, balse sida uu hadda xaalka yahay way adag tahay inay mucaaradka yeeshaan musharrax qura.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this