Sign in to follow this  
Deeq A.

Raxan Libaaxyo ah oo soo galay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Libaaxyada.jpg?resize=576%2C265&ssl=1

Raxan Libaaxyo ah oo ka yimid dhinaca waddanka  Ethiopia ayaa sida la sheegayo gudaha u soo galay Puntland gaar ahaanna kaymaha ku yaalla soohdinta Mudug iyo Nugaal.

Wararku waxay sheegayaan in libaaxyadaas oo ka soo gudbay dhinaca Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka Soomaalida ay ku sii jeedaan dhulka hawdka ah ee dhaca koonfurta Gobolka Nugaal.

Libaaxa ayaa mar si weyn u joogi jiray kaymaha hirrigta ah ( jiq) e koonfurta Gobolka Nugaal inkastoo burburkii Soomaaliya kadib aan lagu arkin dhulkaas.

Muudaa (dool) waa libaaxa socodka badan ee meelaha fog isaga gudba islamarkaana guur-guura.

Libaaxa oo lagu tilmaamo Boqorka Kaynta waxa labkiisa la yiraahdaa Aar halka dheddigiisa loo yaqaan Adan dhashiisana Caga-baruur.

PUNTLAND POST

The post Raxan Libaaxyo ah oo soo galay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this