Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo uu wehelinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khamiista maanta, xarunta Madaxtooyada ku dhaariyay masuuliyiin iskugu jira wasiiro, wasiir-ku-xigeeno iyo madax ka tirsan hay’addaha madaxa bannaan ee Qaranka.

Masuuliyiinta maanta la dhaariyay oo uu hore madaxweynuhu xilal ugu magacaabay ayay dhawaan golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ansixiyeen.

Masuuliyiinta la dhaariyey ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha, Horumarinta Beeraha, Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Reer Miyiga, wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha ee Amniga, Horumarinta Biyaha, Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Guddoomiyeyaasha Baanka Dhexe, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Guddida Qandaraasyada qaranka, ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaagga.

Dhaarinta kadib guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali, waxa uu masuuliyiinta kula dardaarmay in ay bulshada ugu adeegaan si xilkasnimo leh, waxaanu u hoga-tusaaleeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, gunnaanadkiina waxa uu Alle uga baryay in uu ku garab galo masuuliyadda loo dhaariyay ee ay bulshada u qaadeen.

Wa bilaahi tawfiiq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this