Sign in to follow this  
Deeq A.

6 Ergo Doorasho ka soo jeeda S/land oo lagu dilay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
6 Ergo Doorasho ka soo jeeda S/land oo lagu dilay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho?
qarax-1.jpg

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga 6 qof oo kamid ah ergada doorashada Xildhibaanada Gobolada Woqooyi ayaa lagu dilay qaraxii Shalay lala beegsaday gaadhi bas ah oo ay saarnaayeen.

Weerarka ayaa dhacay xilli ergadu kasoo laabatay codaynta doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee gobolada waqooyi, wuxuuna weerarku ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab .

Sarkaal katirsan dowladda oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in tirada la xaqiijiyay ee dhimashada ergadu ay tahay lix qof halka 12 kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen.

“Waxa aanu saarnayn baskii isgoyska marayey, waxa aan arkayey qof baska u sii ordaya iyo booliiska oo ku qaylinaya ‘istaag’ oo qoriga ku taagaya. Kadibna waxaan maqalnay laba xabbadood iyo qarax,” Saado Cabdillaahi, oo ka mid ah ergada ayaa  u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. 

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaamiye ka tirsan xarakada uu fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisana uu ahaa afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-Shabaab inay gaadhsiisay ergada iyo ciidamadii la socday, maadama ay wararka qaar sheegayan in ergada qaraxaas lala beegsaday ay ka badbaadeen. 

qarax.jpg

Geesta kalena Hablo ergada doorashada ka mid ahaa oo Qaraxa is-miidaaminta ku dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer, waxaan la sheegay in laba ka mida ay qabaan dhaawacyo culus oo ay qalliin galeen, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo xaaladooda, qaarkoodna ay ahaayeen dad aad looga yaqaan.Landa Cabdi Maxamed iyo Amal Baashe oo ka mida ergada ku dhaawacmay qarixii shalay ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada

Amiin Ambulance oo gaadiidkooda gurmadka ay goobta gaareen ayaa sheegay inay qaadeen 6 qof oo meyd ah iyo 13 qof oo dhaawac ah, sida uu sheegay madaxa Aamin Ambulance Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qaraxa ku dishay 11 qof oo isugu jira ergo iyo ciidamada booliska.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab la beegsato ergada doorashada, waxayna sheegtay in ay bilowday beegsiga ergooyinka cusub ee doorashada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this