Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo muwaadiniintiisa ugu baaqay in ay isaga baxaan dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku haray waddanka Ukraine in ay si deg deg ah uga baxaan dalkaas, sababo la xiriira hanjabaadaha sii kordhaya ee ku wajahan dhaq dhaqaaqa militari ee Ruushka.

Biden oo wareysi siiyay NBC News ayaa “waa xaalad aad u adag, arrimuhuna si degdeg ah ayey isu bedeli karaan,waana dagaal caalami ah marka Mareykanka iyo Ruushka ay bilaabaan inay is rasaaseeyaan.”

Baaqaan ayaa imaanaya ,iyadoo Ruushka ay bilaabeen dhoolatus ciidan oo dalkaasi uu ka sameynaayo dalalka deriska la ah sida xadka Ukraine iyo Belaruusiya

Ruushka ayaa dhawaan ku ururiyay in ka badan 100,000 oo askari meel u dhow Ukraine, taasoo keentay cabsi laga qabo in dalkaasi  uu qorsheynaayo weerar kale oo militari oo ka dhan ah deriskii hore ee Soofiyeedka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo muwaadiniintiisa ugu baaqay in ay isaga baxaan dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this