Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Adduunka ee Xijaabka uu mamnuuca ka yahay & kuwa ganaaxa lagu muteysto

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Adduunka ee Xijaabka uu mamnuuca ka yahay & kuwa ganaaxa lagu muteysto

Dalal badan ayaa mamnuucay Xijaabka

Muddooyinkii ugu dambeeyay muran xoog leh oo ku saabsan Xijaabka ay qaataan gabdhaha Muslimiinta ah ayaa ka taagnaa waddanka Hindiya.

Doodda ugu weyn waxay ka jirtaa gobolka Karnataka, halkaasoo dowladda gobolka ay sheegtay in xirashada Xijaabka ay mamnuuc ka tahay goobaha waxbarashada, sida iskuullada iyo Jaamacadaha.

Waxaa lasoo saaray amar dhigaya in gabar xijaaban aysan gali karin Iskuulka ama Jaamacadda, ilaa ay iska soo dhigto xijaabkaas.

Haddaba dunida waxaa ka jira dalal badan oo mamnuucay Xijaabka. Qaarkood waxay sababta ku micneeyeen dhinaca sugidda amniga.

Waddamo badan oo ka tirsan qaaradda Yurub waxaa shuruuc gaar ah lagu soo rogay xayiraado ku aaddan xirashada Xijaabka ama in la daboolo wajiga.

Mamnuucidda Xijaabka

Dalalka qaarkoodna, waxaa jira ganaax loogu talogalay in la dul dhigo dadka wajiga qarsada ama Xijaabka xirta.

Waddamada xayiraadaha kusoo rogay Xijaabka waxaa ka mid ah Faransiiska, Bulgaria, Netherlands, Ruushka iyo kuwo kale oo badan.

Dowladaha soo rogay xayiraadaha Xijaabka waxa ay sidoo kale ku dadaalaan in la raaco dhammaan sharciyada la dajiyay ee la xiriira arrintaas.

 

Sanadkii 2012-kii, qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Ruushka ayaa laga mamnuucay in iskuullada lagu aado Xijaab. Dooddii ka dhalatay arrintaas ayaa gaartay ilaa heer loo gudbiyo Maxkamadda ugu sarreysa waddankaas. Maxkamadda qudheeda ayaa ayidday go’aanka ay dowladda ku mamnuucday, kaasoo ay ku raacday.

Dalka Faransiiska, 2004-tii, waxaa la joojiyay in dharka muujinaya astaamaha Muslimiinta lagu galo iskuullada. 2011-kii, dowladda Faransiiska ayaa gebi ahaanba mamnuucday in xijaabka iyo indha-shareerka lagu xirto meelaha ay dadweynaha joogaan.

Ganaax lacageed oo dhan ku dhawaad $150 ayaa laga qaadayaa haweeney kasta oo la arko iyadoo xijaab wadata. Waxaa kale oo la ganaaxayaa qofkii qof kale ku khasba xirashada xijaabka ama qarinta wajiga.

Dalal badan oo ciqaab u qoondeeyay

Sidoo kale dalka Bulgaria waxa ay dowladdu dhaqan gelisay xeerar si gaar ah u qabanaya dadka wajiga daboola. Xirashada Xijaabka ama indha-shareerka ayaa sharci darro ka ah waddankaas.

Sababo la xiriira falalka argagixisada ee meelo badan ka dhaca, dowladda ayaa gebi ahaanba mamnuucday in wajiga la daboolo, si amniga loo xaqiijiyo.

Indha-shareer

Sidaas si la mid ah, waddanka Denmark waxaa laga adeegsadaa sharciyo ka dhan ah qarinta wajiga ee qaybta ka ah labiska gabdhaha Muslimiinta.

Denmar gudaheeda, qofka sharcigaas jebiya ee soo xirta Xijaab ama niqaab waxa uu bixinayaa ganaax ku dhow $150 doolar.

Waddamada Belgium iyo Netherlands ayaa sidoo kale shacabkooda ka mamnuucay Xijaabka.

Netherlands, Xijaabku waxa uu mamnuuc ka yahay Iskuullada, Isbitaallada iyo meelaha ay isugu imaadaan dadweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this