Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Dowlada China Oo Si Weyn Uga Xanaaqday Safarka Waftiga Somaliland Ku Joogo Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Taiwan)-Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibbada China Zhao Lijian, ayaa booqashada waftiga Somaliland ku joogo Taiwan, ku tilmaamay in ay dhaawacayso madaxbannaanida China, iyo dalal kale.

Warkan oo ay daabacday wakaalada wararka ee China News Service, oo ah tan labaad ee ugu wayn wakaalada wararka ee ay leedahay dowlada China, marka laga yimaado Xinhua, ayaa lagu sheegay in Lijian uu safarka waftiga Somaliland kaga jawaabay warsaxaafadeed rasmi ah.

“Adduunka waxa ka jira kaliya hal China, Taiwan na waa qayb China kamid ah oo aan laga jari karin, mabda’a ah hal China ayaa ah xeer la aqoonsan yahay, bulshada caalamkuna isku raacsantahay” ayuu yidhi Lijian.

Lijain, ayaa sidoo kale, xisbiga haya tallada Taiwan ku eedeeyay in uu shidayo dab, isagoo sheegay in DPP uu wax yeelaynayo madaxbannaanida China iyo waddamo kale oo aanu carabaabin.

“Xisbiga DPP kaliya uma socdaan in ay kala gooyaan China, dabka ayay sidoo kale babinayaan waxay wax yeelaynayaan midnimada iyo wadajirka waddamo kale, marka danbena iyaga uun baa lugta iska toogan doona” ayuu yidhi Lijian.

Dowladaha China iyo Soomaaliya, ayaa ka gadoodsan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, tan iyo markii uu bilaabmay badhtamihii sannadkii 2020, iyagoo marar kala duwan cambaareeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this