Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdixamiid oo markale hadal heyn dhaliyey – Halkee ku dambeysay shaqo joojintii?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kasoo muuqday warbaahinta.

Cabdixamiid ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo loogu dabaal-dagayey sanad guurada 57-aad ee aaska aaska ciidamada badda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in muddadii uu joogay xafiiska uu tayeeyey ciidamada badda, isla-markaana ay haatan diyaar u yihiin inay ilaaliyaan biyaha Soomaaliya.

“Ciidamadda badda waynu tayeynay, badeena waan ilaashan doonnaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada badda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Mar dambe ma soconeyso, haddii Allaha awooda leh idmo in badda Soomaaliya ay noqoto meel kotorabaan ah oo ay cid walbo iska soo gasho,” .

Dhinaca kale hadal xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay hadalka uu maanta taliyuhu siiyey warbaahinta, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay su’aallo ka keeneen, halkii ay ku dambeysay shaqo joojintii isaga lagu sameeyey?

“Ninkan shaqo ka joojintiisii ma Prank bay ahayd?. Soomaaliya inaynan kala danbayni ka jirinbay markhaati ka tahay,” ayuu yiri Sahal Muumin oo ka mid ah dadka isticmaalada aaladda Facebook-ha ee ka falceiyey hadalka taliyaha ciidanka badda.

Dhankiisa Liibaan Cali Mire oo ka hadlay arrintan ayaa yiri “Ninkaan Rooble muxuu u xiri waayay?,”.

Dadka kale ee ka hadlay in taliyaha uu shaqadiisa sii wato waxaa ka mid ah nin kale oo lagu magacaabo Cabdi Sheekh Yuusuf oo yir “Gen. Cabdi Xamiid oo iska wata shaqadiisa,”.

Si kastaba, taliye Cabdixamiid  Maxamed Dirir ayaa horey eedeyn culus ugu jeediyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe oo uu ku eedeeyey inuu dhul boob ku hayo dhul ay leeyihiin ciidanka badda, hadalkaas oo sii huriyey khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

The post Cabdixamiid oo markale hadal heyn dhaliyey – Halkee ku dambeysay shaqo joojintii? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this