Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay Laamiga u dhexeeya Caasimadda Garoowe iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay dalcadda lagu magacaabo Rabaable waxaana ku dhintay laba nin halka ay ku dhaawacmeen nin iyo haweenay sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Taraafikada Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo maarkeed ah kana yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo.

Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa gaariga yar ee maarkadka sida ay sheegeen saraakiisha Taraafikada.

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this