Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICJ Oo Ku Dhawaaqday Xukun Adag Oo Ka Dhan Ah Dalka Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Maxkamada cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukun ay dowladda Uganda ku amrayso inay magdhow boqolaal milyan ah siiso dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Magdhowga ay xukuntay maxkamadda ayaa dhan $325 Milyan oo doollar, waxayna la xidhiidha dagaalkii arxan darada ahaa ee u dhaxeeyay waddamadan deriska ah ee billowday dabayaaqadii 1990-kii.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in magdhowga la siinayo Congo uu yahay waxyeelada dadka iyo hantida dalkaas kasoo gaadhay falalkii ay Ugand ku jebisay waajibaadkii caalamiga ahaa ee ka saarna dariskeeda, kuna hubeysay jabhado.

“Maxkamaddu waxay xustay in magdhowga lagu abaalmariyay DRC waxyeelada dadka iyo hantida ay ka tarjumayso waxyeelada soo gaadhay shakhsiyaadka iyo bulshooyinka taasi oo ka dhalatay jebinta Uganda ee waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayuu yidhi madaxweynaha maxkamadda Joan E Donoghue oo ah garsoore Mareykan ah.

Xukunka maxkamadda ee magdhowga ayaa yimid in ka badan 15 sanno kadib markii ICJ ay xukuntay xukun adag oo ka koobna 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ku qaadeen dalka Congo uu jabiyay sharciga caalamiga ah.

“Lacag gaadheysa $225 Milyan waa magdhowga khasaarada nolosha iyo waxyeelada kale ee dadka oo ay ku jiraan kufsiga, askaraynta carruurta iyo barakac illaa shan boqol oo qof. $40 Milyan waa burburka hantiyeed iyo $60 Milyan ee waxyeelada khayraadka dabiiciga ah.”

Sanadkii 2005-tii ayey aheyd markii maxkamadda ICJ ay sidan oo kale ku xukuntay Ugand inay bixiso magdhow lacageed, laakiin illaa hadda ma bixin.

Si kastaba, lacagta ay xukmisay maxkamadda ayaa aad uga hooseysa codsigii Congo ku dalbatay magdhow in ka badan 11 bilyan oo doollar, kaasi oo lagu sheegay khasaarihii ka dhashay qabashada gobolka Ituri ee Waqooyi-bari ee dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this