Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Doorasho gacan taag ah oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursigii u horreeyey ee HOP#205 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin, kadib markii ay u tanaasushay Muna Xusen Faarax oo la tartami laheyd.

Kooshin ayaa loo qaaday codeyn gacabn taag ah, wuxuuna helay 99 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

Guusha xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa aheyd mid lasii oogaa, maadaama si gaar ah kursiga loogu xiray, si uu ugu biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee qorsheeyey in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa ku howlan dadajin doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan  Febraayo ee sanadka 2022-ka.

273241625_274887438019994_27021206755457 273505528_274897661352305_14107052608247273609241_274897671352304_63889113702370273448173_274897718018966_36332064019671

The post Sawirro: Doorasho gacan taag ah oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this