Deeq A. Posted February 9, 2022 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdullaahi Aadan Kulane oo kamid ah saraakiisha sare ee NISA ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Kulane oo ka yimid dhanka Caabudwaaq oo maalmihii dambe uu ku sugna ayaa waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay ciidamo iyo gaadiid fara badan oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, waxaana la dejiyay gudaha magaalada. Cabdullaahi Kulane oo kamid xulafada Farmaajo Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka. Kulane ayaa u sharaxan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#040, kaasi oo ay hadda ku fadhido Xildhibaanad Nafiiso Faarax Jaamac. Musharaxnimada Kulane ayaa waxaa la fahamsan yahay inay qeyb ka tahay qorshe ujeedkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yahay Fahad Yaasiin. Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Farmaajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boobaan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhalisay xaalada hubanti la’aan ah. Si kastaba, Kursiga uu isku soo taagayo Kulane ayaa waxa uu kamid yahay kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisu qabsoomto toddobaadka soo socda. The post Qorshaha uu Cabdullaahi Kulane u tagay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites