Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Boosaaso Iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Badan Oo Jira

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lala beegsaday meherad nooca loo yaqaano Merfish ay fadhiistan dadka qayila, taasi oo ku taalla badhtamaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay fadhiyeen dad isugu jira shacab iyo askar.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa ku geeriyooday qaraxaas saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa dalka.

Boosaaso ayaa amnigeeda uu sii xumaanayay, tan iyo markii ay soo bilaabay xiisadii ka dhaxeysay xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar-sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaas.

17-ka bishii hore ayay aheyd markii labo qarax lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla badhtamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul gobolleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo ahaa bam ayaa xiligaas waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal qof, halka qaraxa labaad lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yidhaahdo Muwaafaq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this