Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Oo Ka Jawaabay Booqashada Weftiga Somaliland Ee Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa ka jawaabay booqashada wefdi ka socda Jamhuuriyadda  Somaliland ay maalintii labaad ku jooganTaiwan, halkaas oo la filayo inay ku kala saxeexdeen heshiisyo horleh.

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yidhahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha.

“Mabda’a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xidhiidhka caalamiga ah.”

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaadhsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xidhiidh xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka cadhoodeen.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xidhiidhka Taiwan ku tilmaamay “xidhiidh gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this