Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani la yeeshay Hablo Weriyayaala oo ka Hawlgala Warbaahinta S/land Qaarkood

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuxurka Kulan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani la yeeshay Hablo Weriyayaala oo ka Hawlgala Warbaahinta S/land Qaarkood

 xirsi-2.jpg
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd si xogwaraysi iyo xogogaal u noqoshada caqabadaha haysta hablaha Suxufiyiinta ah ee Somaliland.
Hablahan Weriyeyaashan ah, oo ka hadlay kulan ayaa ka warramay caqabadaha haysta ee dhinaca shaqada ee ay la kulmaan wakhtiyada ay ku jiraan hawl maalmeedkooda shaqo.
Waxa kale oo ay hablahan Suxufiyiinta uga mahad celiyeen Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI kulan dhiiri gelinta iyo xog waraysiga isugu jiray, oo ay tilmaameen in ay yar yihiin Siyaasiyiinta hablaha Suxufiyiinta xasuusta ee kulamo la yeeshaan.
Guddoomiyuhu waxa uu hablaha ka xog waraystay duruufaha iyo caqabadaha ay ku shaqeeyaan, waxaana uu guddoomiyuhu dhankiisa hablaha uga garaabay caqabadaha, isagoo u bayaamiyey fursadaha nolosha guud iyo gaar ahaan kuwa warbaahineed ee hablaha u bannaan.
Waxa kale oo uu u ballanqaaday in xisbi ahaan ay si weyn ula shaqaynayaan hablaha warbaahinta Somaliland “Xisbi ahaan waxaanu ballanqaadaynaa inaanu hablaha la shaqayno, haddii ay noqoto waraysiyada iyo shirarka jaraaid. Anigu waxaan balan qaadayaa oo aan diyaar u ahay in aad waraysi idin siiyo marka u horreysa ee aad diyaar tihiin” Ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Marwo Milgo Maxamed Cilmi iyo Xoghaye Ku-xigeenka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Filsan Cabdiraxmaan, oo iyagu halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin dhiiri gelinta haweenka iyo weliba hablaha Suxufiyiinta ah.
273595787_675365237237431_16754269767846

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this