Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Cunaqabatayn Kusoo Rogay Siyaasiyiinta Carqalada Ku Ah Doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa salaasadii shalay ka mamnuucday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo madax u soo noqday kuwaasoo lagu eedeeyay inay wax u dhimayaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xannibaadda fiisaha ay khusayso kuwa dhiirigeliyay oo ku hawlan qalalaasaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku takri-falka hannaanka doorashada.

“Dariiqa ugu wanaagsan ee lagu gaadhi karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhacda waa iyada oo si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yidhi Blinken.

“Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya waa in ay raacaan ballan-qaadyadooda ah in lagu soo dhammeystiro hannaanka baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah-furan ugu dambeyn 25-ka Febraayo,” ayuu raaciyay.

“Maanta oo ay ku beegan tahay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada.” ayaa lagu yidhi Bayaankan.

Warkan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yidhi “Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xadhig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah”

Bayaankan ayaa intaas ku daray xayiraaddan oo sidoo kale ay sidoo kale saameyneyso qoysaska shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.

“Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa inay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka February, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka wuxuu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda Mareykanka.

Bayaanka ka soo baxay dowlada Maraykanka aya ku soo beegmaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay dhammaatay muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo isla markaana wax ka yar laba toddobaad ay ka hadhsan tahay mudadii lagu heshiiyay in lagu soo dhammaystiro doorashada golaha shacabka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this