Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakaaladda Wararka Ee Reuters Oo Warbixin Ka Qortay Safarka Weftiga Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

“Somaliland waxay leedahay maal-gashi weyn oo ay ku samaynayso kaydka shidaalka iyo gaaska aan weli laga faa’iidaysan,” wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sidaasi u sheegay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, isagoo soo bandhigay fursado maalgashi oo booqasho heer sare ah ku timid, sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters

“Dhinaca macdanta Somaliland waxa ay leedahay maalgashi aad u weyn oo ay ka mid yihiin kaydka, Saliida iyo Gaaska iyo sidoo kale dhuxusha oo si fudud loo sahamin karo,” ayuu yidhi.

“Booqashadan taariikhiga ah waxay astaan ​​muhiim ah u tahay xidhiidhka xooggan ee ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu yidhi mar uu la kulmayay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaadhsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin .

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xidhiidh xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka cadhoodeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xidhiidhka Taiwan ku tilmaamay “xidhiidh gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, In kasta oo tallabadaasi ay tahay mid aan beesha caalamku aqoonsanayn, haddana waxa ay sameeyeen hormar la taaban karo oo dhanka dimuqraadiyadda iyo xasiloonida ah gaar ahaan marka loo barbardhigo Soomaaliya.

273305252_4819290928139269_4773691657181 Somaliland-and-taiwan.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this