Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Sababta Baladweyn Loogu Dilay Nabaddoon Caan ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa talaadadii maqribkii kadib lagu dilay magaalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan nabaddoon Cabdi Xuseen Culow.

Nabaddoonka oo ka tirsanaa nabadoonada Xawaadle ayaa lagu dilay xaafadda Buundo-weyn, waxaana la sheegayaa inuu maalmahan ku mashquulsanaa nabadeynta Hirshabelle iyo beesha.

Waxaa kale uu marxuum Culusow oo ganacsade ahaa, uu jiray dadkii isfahamka ka dhex waday maamulka Hirshabeele iyo beesha uu ka dashay.

Lama hubo inuu arrinkan sababsaday iyo in qaab kale loo dilay, laakin wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka mid ahaa odeyaal ay horay kooxda Al-shabaab ula gashay heshiis ah iney ka fogaadaan dowldanimada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this