Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Doorashada shan kursi oo lagu qabtay Baraawe – Yaa kusoo baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee caasimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadooda tahay degmadaasi.

Doorashadan oo noqoneyso tii ugu horreysay ee deegaan doorashada labaad ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaano cusub, kadib doorasho ka dhacday Baraawe.

Kuraasta doorashada la qabtay ayaa kala ah:- Hop-165, Hop-161, Hop-044, Hop-016 iyo Hop-152 kuwaas oo aan loo gelin tartan adag.

Yaa ku soo baxay:-

1-Hop-165: Waxaa ku guuleystay Saalim Caliyow Ibrow oo helay 70 cod

2-Hop-161: Waxaa ku guuleystay Yuusuf Maxamed Aadan oo helay 80 cod

3-Hop-044: Waxaa ku guuleysatay Maryan Maxamed Cali oo heshay 73 cod.

4-Hop-016: Waxaa ku guuleystay Xuseen Cali Xaaji oo helay 81 cod.

5- Hop-152: Waxaa kuu guuleystay Cabdulaahi Cumar Abshirow oo helay 83 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee xigta ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Baraawe.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedka ugu horreeyey ee dhaqan-gelaya deegaan doorashada labaad, taas oo qayb ka aheyd heshiiskii lagu gaaray Muqdisho.

273049239_163368336025773_15300116987465 272952720_163369222692351_85113811132601 272989500_163373062691967_76274432925353273148704_163384399357500_55460990199313273048287_163385546024052_24784321686476

The post Sawirro: Doorashada shan kursi oo lagu qabtay Baraawe – Yaa kusoo baxay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this