Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley weerar ka geysatay Masjid ku yaalla Afgooye + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dabley hubeysan xalay ka geysatay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dableyda weerarka fulisay oo ku hubeysneyd Bistoolado ayaa beegsatay Masjidka Raqayle oo ku yaalla degmadaasi, waxaana ay ka geysteen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyey ay gudaha u galeen Masjidka, kadibna ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadeysanayey Masjidka la weeraray.

Sidoo lale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsatay kooxdii fulisay weerarka, kadib marka ay laayeen dadkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban oo lagu baadi goobayo dableyda ka dambeysay falkaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay ka fuliyaan xoogaga kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

The post Dabley weerar ka geysatay Masjid ku yaalla Afgooye + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this