Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon lagu dilay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Nabadoon-Cabdi-Xuseen-Coloow-696x392-1.j

Magaalada Beledweyne waxaa caawa lagu dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Nabadoonka ayaa lagu dilay xaafadda Buundo Weyn ee Beledweyne, waxaana sida wararku sheegayaan dilkaas geysatay koox bastoolado ku hubeysnaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka Beledweyne ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay, ilaa haddana ma jirto cid ka hadashay dilka nabadoonka.

Dilka nabadoonka ayaa imanaya, xili maanta ay heshiis gaareen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Beledweyne, kaas oo la sheegay in uu la xiriiro tabashada reer Beledweyne ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST

The post Nabadoon lagu dilay Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this