Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Israa’iil Oo Dhexdiisa Is Basaasay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Dawladda Israa’iil ayaa magacaabi doonta guddi baadhitaan oo ogaada xaqiiqada in ay booliisku adeegsadeen barnaamij basaas ah kaas oo ay samaysay kooxda NSO si ay u jabsadaan telefoonnada dadwaynaha Israa’iil fasax la’aan.

Dadka talefoonadooda la jabsaday waxaa ka mid ah saraakil sar sare, dad dibebaxyay, wariyeyal iyo wiil uu dhalay Ra’isal wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay wargeys maxali ah.

Waxaa kale oo la bartilmaamedsaday talefoonka mid kamid ah dadka markhaatiga ka ahaa kiiska musuqa ee Mr Netanyahu.

Ra’isal wasaaraha dalkaasi Naftali Bennett ayaa sheegay haddii la xaqiijiyo wararkaasi inay yihiin kuwa aad u culus.

Macaamiisha ugu badan ee wax ka iibsada shirkaddan reer Israa’iil waa Carabta, iyo dowladaha ay heystaan madaxda kaligii teliyeyaasha ah, kuwaasoo u baahan barnaamijka wax basaasa ee Pegasus, si ay u helaan sirta muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si khaldan.

Waxay shirkadu sheegtay in barnaamijkan ay dowladaha badan ka iibisay uu yahay mid loogu talagalay in lagu dabagalo dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisada.

Shirkadda ayaa waxay ku adkeysatay in ayna howlgalinin barnaamijkeeda softweyarka markii ay ka iibiso macaamisha horena waxay u sheegtay in barnaamijkeeda aan loo adeegsan karin muwadiniinta Israa’iil, balse kama hadlin eedeymahan cusub.

Barnaamijkan basaaska ee Pegasus wuxaa xitaa lagu jabsan karaa taleefonada sida iphone iyo aaladaha Android, isagoo u oggolaanaya dadka wax jabsanaya inay akhristaan fariimaha, sawirada, emaylka, duubitaan wicitaanada isla markaana waxaa uu si qarsoodi ah u shidi karaa mikroofanada iyo kamaradah taleefoonada iyada oo ka warqabin qofka isticmaalaya.

“Qalabkan (Pegasus) iyo barnaamijyadda kale ee la midka ah ayaa ah qalab muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dambiyada. Laakiin looguma talagelin in lagu beegsanayo dadweynaha Israa’iil ama saraakiisha, taas oo ah sababta aan u baahanahay inaan fahamno sida saxda ah ee ay wax u dhaceen, ” ayuu yidhi Ra’isal wasaare Mr Bennett.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this