Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxaafadda Dunida Oo Si Weyn U Hadal Haysa Safarka Weftiga Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland Ayaa Weftigii Ugu Cuslaa Waxay U Dirtay Dalka Taywan Tan Markii Ay Labada Waddan Aasaaseen Xidhiidh Ka Cadhaysiiyay Dawladaha Shiinaha Iyo Soomaaliya Oo Sheegta Labadan Waddan Ee Aan Haysan Aqoonsiga Caalamiga Ah.

Saxaafadda Dunida Ayaa Hadal Haysa Safarka Wasiirada Somaliland Ee Caasimadda Taipei Halkaas Oo Booqasho Shan Maalmood Ah Ay Ku Joogi Doonaan, Kadib Marti Qaad Ay Ka Heleen Madaxweynaha Taywan.

Safarkan Ayaa La Sheegay In Taywan Ay Uga Dan Leedahay Sidii Ay Kor Ugu Qaadi Lahayd Diblomaasiyaddeeda Wadamada Afrika , Isla Markaana Shiinaha U Saari Lahayd Cadaadis Caalami Ah.

Shanta Wasiir E Ka Mid Ah Wasiirada Ugu Tunka Culus Somaliland Waxay La Kulmi Doonaan Madaxweynaha Taywan Iyo Shirkadaha Shidalka Ee Taywan Oo La Filayo In Ay Sahamin Ka Bilaabaan Deegaanada Somaliland.

Lama Oga Waxa Ay Soomaaliya Iyo Shiinuhu Ka Odhan Doonaan Safarkan Heerka Sare Ah Ee Imanaya Xili Loolanka Geeska Afrika Uu Sii Xoogaysanayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this