Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Cali Guudlaawe iyo beesha Xawaadle oo heshiis gaaray + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Beesha Xawaadle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka heshiiyey khilaafkii u dhaxeeyey beeshaas iyo maamulka HirShabelle.

Kulanka oo saacado badan socday ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweye ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa lagu sheegay in heshiis rasmi ah laga gaaray tabashadii iyo diidmadii ay Beesha Xawaadle ka qabtay maamulka HirShabelle.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in nabadoonada iyo Waxgaradka beesha Xawaadle iyo maamulka HirShabeelle ay ku heshiiyeen in maanta wixii ka dambeeya laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dowladnimada.

Si rasmi ah looma ogo waxyaabaha ay ku heshiiyeen madaxweynaha HirShabelle iyo Beesha Xawaadle oo muddo diidaneyd inuu yimaado Magaalada Beledweyne.

Khilaafka Beesha Xawaadle iyo maamulka Hirshabelle ayaa yimid kadib markii Beesha Xawaadle laga wareejiyey xilka madaxweynaha Hirshabelle oo ay horey u heysteen isla markaasna loogu badalay ku xigeen taasoo ay Beesha si weyn uga hor timid.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen  Dowladda iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

273541033_316113793893165_77016430120790 273419963_316113923893152_57728618062710 273459291_316114123893132_50636741531357 273042342_316113807226497_34807691873063 273437761_316113863893158_30076494560668 273438591_316113320559879_20878947788707 273393351_316113323893212_72190633181133

The post DEG DEG: Cali Guudlaawe iyo beesha Xawaadle oo heshiis gaaray + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this