Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Qoyska marxuumad Maryan Caato oo la sheegay in dowladdu aysan weli qaabilin

Recommended Posts

Deeq A.   
Nabadoon-ABshir.png?resize=580%2C492&ssl

Nabaddoon Abshir Cali Halow ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan weli qaabilin Qoyska marxuumad Maryan Axmed Caato oo Garoowe lagu dilay 27 September 2021.

Maryan ayaa u geeriyootay Rasaas ay ku rideen Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xilli ay ka timid goob waxbarasho.

Halkaan waxa lagu dilay gabar diktooraysa ilaa iyo hadda waxan  la’ nahay cid nagala hadasha ama naga qaabisha kiiskaas. Ma qori bay sidatay? Waa maya gaari bay saarnayd oo wadadaas bay maraysay” ayuu yiri Nabadoonka.

Dowladda ayaa wakhtigii dilkaas dhacay sheegtay in la qaabilay Qoyska marxuumadda sida uu BBC-da u sheegay Taliyhiii Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal ee xilligaas G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle).

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Qoyska marxuumad Maryan Caato oo la sheegay in dowladdu aysan weli qaabilin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this