Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirrada Beesha Bariga Burco Oo Xalay Shir Xasaasi Ah Ku Yeeshay Hargeysa + Xoggo Ku Saabsan Waxyaabaha Ay Ka Wadahadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada ka soo jeeda bariga Burco ee ka tirsan xukuumada ayaa shir ka yeeshay mawqifka ay ka qaadanayaan qorshe uu Muuse Biixi xisbiga Kulmiye ugu gacan gelinayo siyaasi Maxamuud Xaashi.

ujeedada Kulanka ay iskugu yimaadeen wasiirada beesha bariga  ayaa lay xaqiijiyey inuu  salka ku hayo qaabaynta jawaabta ugu macquulsan ee ay ka bixin karaan  haddii Muuse Biixi fuliyo qorshaha uu damacsan yahay inuu xisbiga Kulmiye ugu wareejiyo Maxamuud Xaashi.

wasiiradan oo aaminsan in xilalka ay dawlada ka hayaan ay cidhiidhsan rakaabka siyaasi Xaashi wato oo uu ka mid yahay  Amb Baashe Cawil oo xil ka sugaya madaxweynaha ayaa qodobada ay Isla Soo qaadeen uu ku jiray iscasilaad ay wadar ahaan kaga tagaan xilalka  Marka Maxamuud Xaashi shidhka u galo Muuse Biixi.

xubnahan todobada ah oo iskugu jira wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno ayaa kulamo kale u balamay, waxaana la dhawri doonaa natiijada ka soo baxda shirarka hada u furmay.

Wasiirada shirka yeeshay ayaa kala ahaa.

1. Maxamed Kaahin Axmed wasiirka arimaha   gudaha.

2. Xasan Maxamed Gaafaadhi wasiirka caafimaadka.

3. Cali Xasan Maxamed wasiirka biyaha.

4. Maxamed Xaaji Aadan wasiirka dastuurka.

5. Saleebaan Warsame Guuleed wasiirka cadaalada.

6. Wasiir ku xigeen maaliyada Rooda Cabdi Jaamac.

7. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir ku xigeenka arimaha dibeda.

Wariye Abdiriżak Goud

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this