Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dablay ku hubeysan baastoolado ayaa nin Soomaali ah oo ganacsade ah ku dilay deegaanka Pumwani ee degmada Kamkunji ee dalka Kenya, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.

Dilka Ganacsadaha Soomaaliga ayaa yimid kadib markii ay murmeen isaga iyo kooxda budhcadda ah, kuwaas oo doonayay in ay dhacaan ganacsigiisa.

Kooxda dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday kadib markii ay toogteen ninkaasi. Mana jirto cid aqoonsatay.

Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan baadhitaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

Deegaannada hoos yimaada magaalada Nairobi ee  ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo kordhayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Shacabka ayaa ka cabanaya kooxo budhcad ah oo dhac u geysanaya xarumaha ganacsiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this