Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Socdaal Ku Tegaya Taiwan, Yey La Kulmi Doonaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maalinta berri ah gaadhaya Taiwan, sida ay shaacisay Wasaaradda Umuuraha Dibedda Taiwan.

Waftiga waxa kamid ah; Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorsheynta Cumar Cabdillaahi Bade, iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga Siciid Sulub.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Hagi, ayaa faah faahiyey masuuliyiinta ay la kulmi doonaan Wefti Wasiirro ah reer Somaliland ah oo socdaal maanta ugu amba baxay Taiwan.

Ambassador Maxamed Xaaji oo ka hadlayey socdaalkan Wasiirrada ayaa yidhi “Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti ka kooban saddex wasiir oo uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ka soo degi doona dalka Taywaan.

Weftiga oo ka kooban wasiiradda Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa kulamo waaweyn la yeelan doona Madaxweynaha Taywaan, 蔡英文 Tsai Ing-wen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Joseph Wu, iyo Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Taywaan.

Dhanka kale, weftigu waxa ay kulanka waaweyn la yeelan doonaan wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Badda, Wasiirka Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Cuntada.

Waxa kale oo ay weftigu kulan la qaadan dooonaan Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo maalgashiga Dibadda (Taiwan External Trade Development Council – TAITRA. Kulama waaweyn oo kale ayey weftigu ka qayb-gali doonaa oo ay la qaadan doonaan qaar ka mid ah shariikadaha waaweyn ee dhismaha, kuwa E-Commerce ka iyo Tiknoolajiyada, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this