Sign in to follow this  
Deeq A.

Telefoonada Abiy Axmed Iyo Farmaajo Oo La Jabsaday + Wada-hadal Dhexmaray Oo La Dhagaystay + Dal Carbeed Oo La Tuhunsan Yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay ka walaacsan yahay inay suurta-gal tahay in la jabsaday wada sheekeysi ku dhex-maray taleefonka.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in arrintan uu ka war helay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kuna wargeliyey Farmaajo intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, oo uu maanta kasoo laabtay.

Abiy ayaa rumeysan in muddo bilo ah ama sannado la helayey xogta wada-sheekeysi ee isaga iyo Farmaajo ku dhex-mareysay WhatsApp-ka.

Abiy ayaa lagu warramay inuu Farmaajo u sheegay in dhanka taleefonkiisa laga jabsaday xogta, ayada oo la tuhunsan yahay in arrintan uu ka dambeeyo dal Carbeed oo aan weli la shaacin.

Ilo-wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in jabsashada taleefonka Farmaajo loo adeegsaday softaware-ka Pegasus Spyware oo ay sameyso shirkadda NSO Group ee Israa’iil, taasi oo hore madax badan oo caalamka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn leh loogu adeegsaday.

Pegasus Spyware ayaa waxaa loo adeegsadaa in qofka la doonayo in taleefonkiisa la dhexgalo loo diro sawir ama wax file wata virus, kaasi oo haddii uu click siiyo si rasmi ah loola wareegayo maamulka taleefonkiisa.

Dhowaan ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq uu sheegay in Farmaajo uu diiday diyaarad millatari oo gargaar siday oo ay Masar usoo diri laheyd Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qabi inuu xumeeyo xidhiidhka Abiy Ahmed.

Hadalka wasiirka ayaa dhaliyey tuhun ku saabsan in laga yaabo in dalka xogta jabsaday uu noqon karo Masar, balse waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay yihiin Imaaraadka Carabta ama Sacuudiga, oo hore caan ugu ahaa adeegsigda Pegasus Spyware.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in taleefonada la dhageysatay ay ku jiraan kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse ma cadda haddii uu yahay wasiirka hadda jooga Cabdisaciid Muuse ama kii ka horreeyey Maxamed Cabdirisaaq.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada oo u muuqda in Abiy Ahmed uu canaanayo Farmaajo ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka cadheysnaa arrintan, balse lama xaqiijin karo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this