Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Laba Kursi Oo Jowhar Ka Socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu qabanaya daoroashada kuraas ka tirsan golaha shacabka.

Kuraasta doorashadooda maanta lagu qabanayo magaalada ayaa kala ah HOP#070 iyo HOP#115, waxaana horay ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah Aadan Cali Xasan oo ku fadhiyay kursiga HOP#70 iyo xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ku fadhiyay kursiga HOP#115.

Kuraastaan ayaa horay loogu balan sanaa in ay doorashadooda dhacdo 6 bishaan aheyd maalinimadii Axadda ee todobaadkaan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this