Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ciidamo geeyay dalka Poland

Recommended Posts

Deeq A.   
US.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa Todobaadkan gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, iyadoo cabsi laga qabo in Ruushku weeraro Ukraine.

Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadii amray in 1,700 oo askari la geeyo halkaasi.

Biden ayaa sidoo kale amar siiyay ciidamada Romania iyo Jarmalka, isaga oo tirada guud ee ciidamada dheeraadka ah gaarsiiyay ku dhawaad 3,000.

Mareykanka ayaa 8,500 oo kale oo askar Mareykan ah geliyey heegan sare bishii Janaayo si loo geeyo Yurub haddii loo baahdo. 

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ciidamo geeyay dalka Poland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this