Deeq A. Posted February 7, 2022 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Saambiya Mudane Hakainde Hichilema iyo Gaana Mudane Nana Akufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites