Deeq A. Posted February 7, 2022 Midowga Africa iyo xiisadda xubinnimada Israel Ururka Midowga Africa, ayaa cambaareeyey afgambiyada dhowaan ka dhacey qaaradda. Maalintii xiritaanka ee shir madaxeedkan oo ka dhacey caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa u qeyb sanaha guddoomiyaha Midowga Africa dhanka arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo African ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimaado hab ka baxsan dastuurka. Midowga Afrika ayaa sidoo kale hakiyey dood ku saabsaneyd in Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga, iyadoo uu ururku ka fogaadey haddii cod loo qaado mar kale, iney khilaaf ka dhex abuuri karto ururka. Sanadkii hore, guddoomiyaha Midowga Africa, Mousa FakiMahamat, ayaa aqbaley kusoo biirista Israel ee ururka, iyadoo noqotey xubinta 55-aad. Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa ugga soo horjeestay Falastiiniyiinta, iyo dalal dhawr ah oo ay ku jiraan Algeria, iyo Koonfur Afrika. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites